Taliska Ciidamada Al Shabaab oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Weerarkii Hotel SYL iyo ujeedadii laga lahaa.

Wednesday December 11, 2019 - 20:25:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 134 1
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidamada Al Shabaab oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Weerarkii Hotel SYL iyo ujeedadii laga lahaa.

    Bayaankan oo ku qornaa luuqada English-ka uuna ku saxiixnaa Afhayeenka ciidanka Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa lagu faah faahiyay weerarkii aadka u xooganaa ee dagaalyahanada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen Hotelka SYL ee magaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Sheekh Abuu Muscab
Bayaankan oo ku qornaa luuqada English-ka uuna ku saxiixnaa Afhayeenka ciidanka Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa lagu faah faahiyay weerarkii aadka u xooganaa ee dagaalyahanada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay in weerarku beegsaday mid ka mid ah goobaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee dowladdu degantahay.


"Maalintii talaadada oo taariikhdu ku beegneyd 13 Rabiicu-Thaani 1441H, oo waafaqsaneyd 10/12/2019-ka, dagaalyahano Mujaahidiin ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa qaaday weerar beegsanayey xubno ka tirsan murtadiinta oo ku sugnaa Hotelka aadka loo ilaaliyo ee SYL ee ku yaalla magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri bayaanka.

War Saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in weerarka uu dhacay 12-kii maqribnimo iyo qadar 40 daqiiqo oo shaley ah kolkaas oo ciidamada 'Mujaahidiintu' ay xoog ku galeen dhismaha Hotelka ayna gmumaadeen cadowgii halkaas ku sugnaa sida ay Al Shabaab hadalka udhigtay..


"ka dib markii ay laayeen ilaaladii joogtay ilinka hore ee dhismaha, waxay Mujaahidiintu durbadiiba u sii gudbeen qeybaha uu ka koobnaa dabaqa si ay u baacsadaan saraakiishii dowlada ee dhuumaaleysanayey gudaha. Maleeshiyaatka murtadiinta ayaa sameeyey dadaallo naf la caarinimo ah si ay usoo afjaraan weerarka balse dadaaladaas ayaa ku soo idlaaday rajo beel, waxayna qaadeen ugu yaraan 6 weerar oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhismaha balse waxay la kulmeen khasaare xoogan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: "howlgalka toogashada oo socday muddo 8 saacadood oo xiriir ah ayaa kusoo idlaaday dhimashada ugu yaraan 25 kamid ah murtadiinta oo isugu jira saraakiil sarsare, xubno ka tirsan military-ga iyo Police-ka, ilaalada madaxtooyada, shaqaalaha dowlada iyo jawaasiista dharcadka ah ee ridada. Kala bar khasaarahan wuxuu soo gaaray maleeshiyaatka uu soo tababaray Turkiga kuwaas oo laga dilay ugu yaraan 13 askari xilli ay isku dayayeen inay soo afjaraan weerarka. Ugu yaraan 39 kale oo ka mid ah cadowga ayaa ku dhaawacmay weerarka kuwaas oo ay ku jiraan wasiirro hore, xildhibaano iyo saraakiil amni”

Xarakada  Al-Shabaab ayaa ugu dambeyntii wacad ku martay in ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Dowladda Federaalka iyo xulifadeeda shisheeyaha ah  illaa inta laga xuraynayo dalkan Muslimka ah, shareecaduna noqonayso midda ka talisa guud ahaan wadanka.

"Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ballan qaadeysaa inay sii wado doonto howlgalada ay ku beegsaneyso xukuumada ridada iyo xulifadooda saliibiyiinta ilaa inta laga xureynayo dalka Muslimka ah ee Soomaaliya ee ku hoosjira gumeysiga saliibiyiinta, Shareecada Allaahna si dhameystiran loo hirgelinayo” ayaa bayaanka lagusoo gunaanaday.

Bayaankan kasoo baxay XSHM ayaa imaanaya iyadoo saacado ka hor uu soo gaba gaboobay weerar xoogGan oo Jihadiyiintu ay ku qaadeen Hotelka SYL oo ah Hotel caan ah oo ay daganyihiin madaxda iyo saraakiisha dowlada Federaalka Soomaaliya  islamarkaana kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Halkan ka degso Bayaanka oo English ah PDF.


Related Items