Iska hor'imaad Khasaara dhaliyay oo ka dhacay duleedka degmada Jawiil.

Wednesday December 11, 2019 - 20:24:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor'imaad Khasaara dhaliyay oo ka dhacay duleedka degmada Jawiil.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya deegaanka Mareer oo qiyaastii 5KM ujira degmada Jawiil ayaa sheegaya in halkaas iska hor'imaadyo xooggan ku dhaxmareen laba maleeshiyo beeleed oo iskasoo horjeeda.

Goob joogayaal ku sugan Jawiil ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 3 qof oo ubadan dhinacyadii dagaallamay ay ku dhinteen dagaalkii maanta, maleeshiyaadka dagaallamaya ayaa isku haya gacan ku heynta dhul beereed ku teedsan Wabiga Jiinkiisa.


Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ka dhacaan dagaal beereedyada laayaanka ah waxaana xusid mudan in deegaannada ay dagaallada nuucaas ah ka dhacaan ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeye iyo maamullada gummeystaha raacsan.


Related Items