Xoogaga Al Shabaab oo dagaal kula wareegay Saldhigga Hiilweyne ee duleedka degmada Balcad.

Thursday December 12, 2019 - 07:06:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Al Shabaab oo dagaal kula wareegay Saldhigga Hiilweyne ee duleedka degmada Balcad.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaan kaabiga ku haya degmada Balcad ee Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaan kaabiga ku haya degmada Balcad ee Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya halka ay iska galaan gobollada Banaadir iyo Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay xalay weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhigga Hiilweyne oo qiyaastii 23 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada caasimadda ee Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 4 Askari islamarkaana xoogagii weerarka qaaday ay u suurtagashay in ay la wareegaan saldhigga Hiilweyne.


Xoogaga Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay saanado melleteri oo gudaha saldhigga ay uga carareen maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee loo itaal sheegtay, dad ku sugan degmada Balcad ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen hugunka madaafiic iyo rasaas lays dhaafsanayay xilligii uu dagaalku socday.

Related Items