Taliban oo Weerar xoog kugal ah ku qaadday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Afghanistan.

Thursday December 12, 2019 - 07:05:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo Weerar xoog kugal ah ku qaadday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Afghanistan.

    Xoogagga Jihaadiga Taliban ayaa weerar ballaaran ku qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ku leeyihiin gudaha wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Jihaadiga Taliban ayaa weerar ballaaran ku qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ku leeyihiin gudaha wadanka Afghanistan.


Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kaabuul ayaa sheegaya in weerar xooggan uu lakulmay saldhigga Bagraam oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye ku leeyihiin dalka Afghanistan.

Weerarka oo ku bilaawday qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah waxaa xigay dagaalyahanno istish-haadiyiin ah oo gudaha ugu daatay saldhigga halkaas oo ay ku laayeen ciidamo American ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in ciidamadooda mujaahidiinta ah ay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga Bagram halkaasna uu ka dhashay khasaara lixaad leh.


Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlayay gudaha saldhigga la weeraray, qiic iyo uuro madoow ayaa cirka isku shareertay hawada deegaanka Bagraam oo ah goobta weerarku ka dhacay, illaa iyo hadda faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Duullaankan ballaaran ee Taliban ku qaadday saldhigga ciidanka Mareykanka ayaa imaanaya xilli Donald Trump uu dhawaan booqasho dhuumasho ah ku tagay Afghanistan uuna iclaamiyay in uu diyaar uyahay wadahadal uu lagalo Imaarada islaamiga ah si uu ciidamadiisa wadanka ugala baxo.


Related Items