Sedax Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Baay.

Thursday December 12, 2019 - 09:20:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay gobolka Baay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagu weeraray ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan gobollaa Baay iyo Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagu weeraray ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan gobollaa Baay iyo Bakool.


Dad ku sugan degmada Qansaxdheere ayaa sheegay in jugta qarax xooggan ay ka maqleen dhanka saldhigga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi, qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa sababay dhimashada Sedax askari Itoobiyaan ah.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in qarax ay Al Shabaab labeegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya uu sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa markii uu qaraxu dhacay kadib waxay fureen rasaas waxayna isku fidiyay xaafado katirsan degmada Qansaxdheere iyagoona amar ku bixiyay in ladamiyo qaar kamida shirkaaha isgaarsiinta ee magaalada ka howlgala.


Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamada Itoobiya qarax khasaara dhaliya lagula beegsado deegaanno katirsan gobolka Baay.


Related Items