Dab qabsaday Markab nuuca diyaaradaha Xambaara ah oo Ruushku leeyahay.

Thursday December 12, 2019 - 15:08:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab qabsaday Markab nuuca diyaaradaha Xambaara ah oo Ruushku leeyahay.

    Dab xooggan ayaa ka kacay mid kamida Maraakiibta dagaalka ee ugu waaweyn caalamka arrinkaas oo saameyn ku yeelan doono isku dheeli tirnaanta dhanka melleteriga ee u dhaxaysa quwadaha adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xooggan ayaa ka kacay mid kamida Maraakiibta dagaalka ee ugu waaweyn caalamka arrinkaas oo saameyn ku yeelan doono isku dheeli tirnaanta dhanka melleteriga ee u dhaxaysa quwadaha adduunka.


Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dab uu qabsaday Markabka Admiral Kuznetsov oo ah markabka kaliya ee diyaaradaha xambaaro oo ay leedahay dowladda Ruushka.

Wakaaladda Wararka Taas ee ruushka laga leeyahay waxay sheegtay in dabku uu ku fiday masaaxo dhan 120 Mitir islamarkaana ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dabka lagu damiyo.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaallo muujinayay markabka Admiral Kuznetsov oo dab xooggan uu ka kacayo, war kooban oo kasoo baxay wasaaradda difaaca Ruushka waxaa lagu sheegay in dabka ladamiyay.


Telefeshinka RT ayaa sheegay in sababta dabka dhalisay ay aheyd cillad farsamo xilli khubaro dhanka dhismaha maraakiibta ah ay howllo dayactir ah ku howlanaayeen.

Related Items