Mareykanka oo Kooxaha Suufida Galguduud ku cadaadiyay in ay la heshiiyaan DFS.

Thursday December 12, 2019 - 15:11:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Kooxaha Suufida Galguduud ku cadaadiyay in ay la heshiiyaan DFS.

    Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in lasoo gaba gabeeyay khilaafkii kala dhexeeyay Kooxaha suufida isku magacaabay Ahlusuna ee ka jira gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in lasoo gaba gabeeyay khilaafkii kala dhexeeyay Kooxaha suufida isku magacaabay Ahlusuna ee ka jira gobolka Galguduud.


Heshiis wadajir ah oo ay labadan dhinac  gaareen ayay ku heshiiyeen in Suufida 20 kursi lagasiiyo baarlamaanka maamulka 'Galmudug' ee dhowaan lasoo dhisi doono.

Axmed Shaakir iyo Macalin Maxamuud oo kamid ahaa saraakiishii ugu sarraysay maamulkii suufida ee lamaja xaabiyay ayaa sheegay in ay tanaasul sameeyeen ayna diyaar u yihiin la shaqeynta dowladda Federaalka.

Kulamo ay garwadeen ka aheyd dowladda Mareykanka ayaa DF-ka iyo hoggaamiyaasha Suufida uga socday bilihii lasoo dhaafay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, ilo wareedyo ayaa sheegaya in Itoobiya iyo Mareykanka ay Macallin Maxamuud iyo kooxdiisa ku cadaadiyeen in ay lamidoobaan DF-ka.


Bishii lasoo dhaafay ayay maleeshiyaadka dowladda Federaalka kooxaha Suufida ka qabsadeen magaalooyinka Guriceel , Dhuusamareeb iyo Matabaan oo dhammaantood dhaca bartamaha Soomaaliya.


Related Items