Diyaarad Drone ah oo lagu gubay deegaanka Buurweyn iyo qarax ka dhacay duleedka Boosaaso.

Thursday December 12, 2019 - 21:48:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Drone ah oo lagu gubay deegaanka Buurweyn iyo qarax ka dhacay duleedka Boosaaso.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ah oo kusoo dhacday deegaan katirsan gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ah oo kusoo dhacday deegaan katirsan gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Buula Burde ayaa sheegaya in maanta duhurkii ay halkaas kusoo dhacday diyaarad Drone ah oo loo malaynayo in ay leedahay dowladda Mareykanka.

Diyaaradda ayaa kusoo dhacday dhul beereed ku dhow deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed uga beegan degmada Buula Burde, ilo wareedyo ayaa u sheegay SomaliMeMo in xoogaga Al Shabaab ay diyaaradda soo dhacday dab qabadsiiyeen ka hor intii aysan halkaas gaarin ciidamada Jabuuti iyo maleeshiyaadka maamulka Hirshabelle.


Saacad kadib markii ay diyaaraddu dhulka kusoo dhacday ayay ciidamo Jabuutiyaan ah kasoo dhaqaaqeen degmada Buula Burde si ay diyaaradda oo nabad qabta uqaadaan balse xoogaga Al Shabaab oo uga hormaray ayaa dab qabadsiiyay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Saraakiil katirsan taliska ciidamada AFRICOM ayaa loo badinayaa in ay ciidamada Jabuuti amar kusiiyeen soo badbaadinta diyaaradda kusoo dhacday deegaanka Buurweyn balse waa ku guul darraysteen oo Al Shabaab ayaa diyaaradda dab qabadsiisay.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland.

Qaraxa oo ka dhacay inta udhaxaysa deegaannada Balli Khadar iyo Galgala ayaa sababay gubashada gaari Cabdi Bile ah waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamadii gaariga la socday.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items