Goormay Baardheere Qadar noqotay? dhalinyaro DF dhagar ku askaraysay oo Alshabaab isku dhiibay? [Sawirro+Codad].

Saturday December 14, 2019 - 08:34:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormay Baardheere Qadar noqotay? dhalinyaro DF dhagar ku askaraysay oo Alshabaab isku dhiibay? [Sawirro+Codad].

    dhalinayro si dhagar ah ama khiyaano ah loogu biiriyay ciidamada dowladda Federaalka ah ee Goblka Gedo ayaa isu dhiibay xarakada shaababul mujaahidiin waxayna tilmaameen in markii hore loo sheegay in dalka qadar oo soo dalbaday loo dhoofinayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhalinayro si dhagar ah ama khiyaano ah loogu biiriyay ciidamada dowladda Federaalka ah ee Goblka Gedo ayaa isu dhiibay xarakada shaababul mujaahidiin waxayna tilmaameen in markii hore loo sheegay in dalka qadar oo soo dalbaday loo dhoofinayo.


Dhalinyradaan oo badankood ka soo jeeda gobalada waqooyi bari iyo waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in lo soo bandhigay mashruuc  ah in dowladda Qadar ay ubaahan tahay ciidamo ilaalo ka noqdo ciyaaraha adduunka oo dalkaas lagu qabanayo 2022ka sidaas aawgeedna hunguri dhaqaale la xariira uu galay ayna aqbaleen taladii loosoo jeediyay oo aheyd in Qadar loo qaado.

Iyagoo u waramayay warbaahinta islaamiga Alfurqaan waxay hoosta ka xariiqeen in diyaaraddii lagu yiri "Qadar bay idiin geynaysaa” ay ka degtay ama ka caga dhigatay Magalaada Baardheere ee gobalka Gedo goortii ay baraarugeena ay dalbeedeen in Muqdisho lagu celiyo laakiin waxaa lagu bilaabay jirdil kadibna waxaa lagu shubay xero tababar oo Baardheere ku taal.


Kadib dhowr bilood oo tababar qasab ah ay ku jireen mid mid ahaana uu goobta daryeel xumo ugu dhintay waxay go’aansadeen in ay baxsadaan ayna isu dhiibaan Xarakada Al Shabaab oo  katalisa dhul balaaran oo dhaca Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hoos ka ddaawo Askarta la khalday oo warbaahinta lahadashay 

Related Items