Dowladda Aljazaa'ir oo yeelatay Madaxweyne Cusub iyo Kacdoonka oo wali sii socda.

Saturday December 14, 2019 - 11:50:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Aljazaa'ir oo yeelatay Madaxweyne Cusub iyo Kacdoonka oo wali sii socda.

    Waxaa soo gaba gaboobay doorashooyinkii madaxtinimo ee khamiistii ka dhacay wadanka Aljazaa'ir oo dhaca mandiqadda Maqribul Islaami waqooyiga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay doorashooyinkii madaxtinimo ee khamiistii ka dhacay wadanka Aljazaa'ir oo dhaca mandiqadda Maqribul Islaami waqooyiga qaaradda Afrika.


Guddiga doorashooyinka Aljazaa'ir ayaa iclaamiyay kaalinta koowaad uu doorashaa ka galay nin lagu magacaabo Cabdi Majiid Zabuun oo horay usoo noqday R/wasaare islamarkaana aad ugu dhowaa C/Caziiz Botafaliiqa waloow markii dambe ay siyaasadda ku kala boodeen.

Madaxweynaha cusub ayaa helay 58% codadkii ay dhiibteen shacabka Al Jazaa'ir, inkastoo madaxweyne cusub ladoortay hadane wali dibad baxyo ka dhan ah nidaamka ayaa ka socda inta badan magaalooyinka waaweyn.


Hoggaamiyaasha Kooxaha kacdoonka wadanka Al Jazaa'ir waxay sheegeen in ay kasoo horjeedaan madaxweynaha cusub oo kaalin weyn ku lahaa dambiyadii uu geystay nidaamkii Cabdi Fataax Botafaliiqa.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa diiday in uu hambalyo udiro hoggaamiyaha cusub ee Aljazaa'ir balse inta badan hoggaamiyaasha dowladaha reer Yurub iyo Mareykanka ayaa bogaadiyay madaxweynaha cusub, lama oga sida ay sii ahaan doonto xaaladda Al Jazaa'ir waxaana wali socda dibad baxayo jamaahiir ah oo ka dhan ah madaxweynaha cusub.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items