Wasiirrada iyo xildhibaanada Dowladda oo loo diiday in ay ilaaladooda lagalaan Madaxtooyada.

Saturday December 14, 2019 - 16:36:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirrada iyo xildhibaanada Dowladda oo loo diiday in ay ilaaladooda lagalaan Madaxtooyada.

    Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho kadib markii walaac laga muujiyay weeraro hor leh oo lagu qaado xarumaha dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho kadib markii walaac laga muujiyay weeraro hor leh oo lagu qaado xarumaha dowladda Federaalka.


Ciidamada Koofiya guduudda ee sida gaarka ah uqaabilsan ilaalada madaxtooyada ayaa lagu arkayaa iyagoo baaritaanno ka sameynaya dhammaan waddooyinka madaxtooyada soo gala, sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa iyana isku fidiyay dhammaan xafiisyada ay madaxda dowladda ku shaqeeyaan iyagoo baaritaano samaynaya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ilaalada u ah Farmaajo ay wasiirrada iyo xildhibaannada banaanka madaxtooyada uga reebayeen maleeshiyaadka ilaalada u ah.


Gaadiid iyo ciidamo istaaf u ahaa mas'uuliyiinta dowladda oo loo diiday in ay gudaha ugalaan Villa Somalia ayaa buux dhaafiyay banaanka madaxtooyada, tallaabooyinka ayaa yimid kadib markii uu dhacay weerarkii Hotelka SYL ee khasaaraha badan dhaliyay.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items