Madaxweynihii hore ee Suudaan oo Xukun xabsi ah lagu riday.

Saturday December 14, 2019 - 16:41:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Suudaan oo Xukun xabsi ah lagu riday.

    Maxkamad kutaal magaalada Alkhurduum ee caasimadda wadanka Suudaan ayaa xukun ku ridday Jeneraal Cumar Xasan Al Bashiir oo ahaa madaxweynihii hore ee Melleterigu ay talada ka tuureen horraantii sanadkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad kutaal magaalada Alkhurduum ee caasimadda wadanka Suudaan ayaa xukun ku ridday Jeneraal Cumar Xasan Al Bashiir oo ahaa madaxweynihii hore ee Melleterigu ay talada ka tuureen horraantii sanadkaan.

Dacwad soo oogayaasha Suudaan ayaa sheegay in Al Bashiir lagu helay dambi ah in uu sameeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin maaliyadeed islamarkaana uu qaatay lacag aan sharci aheyn oo dowladdu laheyd.

Dambiga lagu helay Al Bashiir ayaa ah in gurigiisa uu dhigtay lacag dhan 25 Milyan oo dollar, qareenka Al Bashiir ayaa maxkamadda ka hor sheegay in lacagtani ay aheyd mid uu qaab hadiyad ah uu madaxweynuhu uga helay Max'med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugah wadanka Sacuudiga.


Saadiq Cabdi Raxmaan oo ah garsooraha maxkamadda ayaa Al Bashiir ku xukumay in muddo 2 sanadood ah lagu hayo xabsi dhaqan celin ah, ciidamada Booliska ayaa is hortaag ku sameeyay dibad baxyo waaweyn oo taageerayaasha Cumar Xasan Al Bashiir ay ka dhigi rabeen magaalada Al Khurduum ka hor inta aan maxkamadda lasoo taagin.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items