ISLAAMNIMO MISE SOOMAALINIMO.

Sunday December 15, 2019 - 10:35:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ISLAAMNIMO MISE SOOMAALINIMO.

    Bismillah, dalkeenna soomaaliyeed waxa asal u ah diinta islaamka, sida caadiga ah geedku xidid la'aan ma baxo dadka soomaaliyeed iyo guud ahaan muslinkuna shareeco la'aan waxba ma noqon karaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillah, dalkeenna soomaaliyeed waxa asal u ah diinta islaamka, sida caadiga ah geedku xidid la'aan ma baxo dadka soomaaliyeed iyo guud ahaan muslinkuna shareeco la'aan waxba ma noqon karaan.


Haddadaba akhristow maanta waxan rabaa in aynu keebka u furanno sidii aynu bulshadeena badankeed oo lagu khaldey wadaniyad, uga saari lahayn khuraafaadka boodhkana uga jafi lahayn caqiidadeennii islaamnimo. Ninka raba inuu dayaxa tago waa inuu halbeeg ka dhigtaa qorraxda si hadhow haddii uu cadceeda gaadhi waayo ugu soo dhaco dayaxa.Akhriste bal marka ugu horeysa ila ogow qaabka dhulka soomaaliyeed u yaallo kadibna malee mabda’ii aynu wax ku ahayn iyo ka hadda aynu ku soconno.



Guud ahaan jasiirad u ekaha soomaalida ama (somali pinensula) bedkeedu waxa uu yahay illaa 1,115,811km2. Labadii gobol ee ugu hor xoroobey waa waqooyi iyo koonfur. Waqooyiga oo mardambe la baxay somaliland bedkiisu waxa lagu qiyaasaa 137,600km2 halka uu koonfurtana yahay 500,055km2. Taas macnaheedu waxa weeye labadii gobol ee xoroobey 1960-kii bedkooda guud waa 637,655km2.


 Jabuuti sanaddii 1977 waxay xorriyadeeda ka qaadatey faransiiska soomaalida jabbuuti oo ah qurubka u yar ee gumeyste gaar ahi haystey, taas oo iyadana lagu qiyaaso 23,200km2. Labada gobol ee illaa hadda sida rasmiga ah gacanta gimeysiga ugu jiraa waa Somali galbeed iyo dhulka NFD loo garan ogyahay, kuwaasna bededkooda waxa lagu qiyaasaa 327,068km2 iyo 127,358km2 waa sida ay u kala horreeyaan eh.Intaa aan soo sheegay waa bedka guud ahaan dhulka soomaalida kii iila macquulsanaa. Soomaalida waxsoosaarkooda ugu weyni waa xoolaha nool waxaaney leeyihiin xeebta ugu dheer afrika.Sidoo kale dhulka soomaalidu waa dhul beerashada ku habboon waxaana mara laba webi.


Intaa haddii aynu kaga nimaadno gogoldhiga qaabka uu dhulka soomaaliyeed u yaallo, bal markannaaynu mawduuceennii usoo noqono. Kolka si caqli ah loo gorfeeyo dhawr sababood baaney soomaalinimo suurtogal u ahay.

1: Weligeed lama arag dawlad soomaaliyeed oo soomaalida oo dhan iyo dhulkoodaba wada maamusha
2: Soomaalidu waa dad hansare leh maamulkana yaqaana isla markaa kuma filnaaneyso iney qoomiyadooda oo keliya u taliyaan
3: haddii qoomiyadnimo lagu qanco lama gaadhi karo xuduudaha qoomiyadda taasna waxa caddayn u ah intii aynu ku hadaaqaynay waddaninimada in waddanka oo sii kala googo’a mooyee aan la isla helin midnimo buuxda. Saddexdaa qodob waxa ay saldhig u yihiin markii matoorka caqliga la dhaqaajiyo. Haddaba bal aynu u nimaadno qodobada aan caqli goyn karin ee nimcada islaamnimadu wadato

1: qodobkani waa ka ugu muhiimsan ee aanu ka shidaal qaadaneyno. Waa Islaamnimo, si loo hanto qoomiyadaha kale ee inala deggan jaarkana inala ah, looguna nusreeyo waa in la qaataa mabda’a islaamiga ah. Mabda’a Shareecada waxa ku midaysnaa waa hore geeska afrika oo dadka soomaaliyeed hormuud u yihiin illaa ay xuduudoodu gaadhey suudaan oo ay qabsadeen boqortooyadii aksum oo illaa maqalle la taabsadey marka laga reebo dhulal yar oo buuraley ah mooyee.

2: Islaamnimadu xuduud iyo jinsiyad maleh laakiin qomiyadda iyo wadaniyaddu waxay leeyihiin xuduud iyo fiise gaar ah taas oo lafo jab ku ah dadka hanka sare leh ee raba iney rabbigood ku raali geliyaan faafinta dacwadda.

3:Islaamnimadu waa rukniga ay soomaalidu sharafta ku leeyihiin, halyeyada caanka ah ee taariikhda galey oo ay soomaalidu leeyihiin waa kuwo jihaad iyo fidinta dacwadda karaamo iyo jaah ku yeeshay.

W/Q: Wadaadyare Xaashi

FG: Fikirka waxaa leh qoraaga sooma tixgelin karo Somalimemo

Related Items