Al Shabaab oo weerar cusub ku qaadday saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Qooqaani.

Sunday December 15, 2019 - 15:11:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo weerar cusub ku qaadday saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Qooqaani.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale uu weerar xooggan lakulmay mid kamida saldhigyada ciidamada gummeysiga Kenya ay ku leeyihiin gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale uu weerar xooggan lakulmay mid kamida saldhigyada ciidamada gummeysiga Kenya ay ku leeyihiin gobolkaasi.


Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku miray saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Qoonaani oo kamid ah deegaanada hoos taga degmada Dhoobleey.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo ay labada dhinac is dhaafsanayeen, lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Dhinaca kale weerar xooggan ayaa xalay lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.


FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items