Mareykanka oo iclaamiyay in kumanaan kamid ah ciidamadiisa uu kala baxayo Afghanistan.

Sunday December 15, 2019 - 15:22:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo iclaamiyay in kumanaan kamid ah ciidamadiisa uu kala baxayo Afghanistan.

    Dowladda Mareykanka ayaa qorshaynaysa in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Afghanistan oo muddo 18 sanadood ah ay duullaan gardarra ah ku joogaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa qorshaynaysa in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Afghanistan oo muddo 18 sanadood ah ay duullaan gardarra ah ku joogaan.


Shabakadda NBC News ayaa baahisay warbixin kooban oo ay ku sheegayso in mas'uuliyiinta wasaaradda difaaca ay qorshanayaan in kumanaan kun oo askari ay kasoo qaadaan dalka Afghanistan.

Mas'uuliyiin hore iyo kuwa hadda maamula aqalka Cad ayaa u sheegay NBC News in Afar kun oo askar American ah lagasoo qaadi doono Afghanistan taas oo ka dhigaysa ciidamada Mareykanka ee wadankaas baaqiga kusii ahaanyo 8,900 askari.

Maamulka Donald Trump ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya Xisbiga Dimuqraadiga kaas oo ku aaddan dhimista ciidamada American-ka ah ee duullaanka ku jooga wadanka Afghanistan.


Isbuucii lasoo dhaafay weerar aad u xooggan oo Taliban ay ku qaadday saldhigga Bagraam oo ah saldhigga ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Afghanistan ayaa dhaliyay khasaara lixaad leh.

Go'aanka Mareykanka kasoo baxay ee uu ku dhimayo ciidamadiisa Afghanistan ayaa imaanaya xilli Xukuumadda Qadar ay iclaamisay in dib loo bilaabi doono wadahadalladii u dhaxeeyay Washington iyo Taliban kaas oo ku aadan qaabkii ciidamada Mareykanka uga dhammaan lahaayeen Afghanistan.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items