Saciid Deni oo sheegay in uusan aqoonsanayn Guddiga Doorashooyinka DF.

Sunday December 15, 2019 - 17:50:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid Deni oo sheegay in uusan aqoonsanayn Guddiga Doorashooyinka DF.

    Waxaa sii xoogeystay shakiga ay siyaasiyiinta iyo maamul goboleedyada mucaaradsan dowladda Federaalka ay ka muujinayaan in Farmaajo iyo Kheyre ay waqti kororsi sameeyaan marka uu waqtigoodu idlaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay shakiga ay siyaasiyiinta iyo maamul goboleedyada mucaaradsan dowladda Federaalka ay ka muujinayaan in Farmaajo iyo Kheyre ay waqti kororsi sameeyaan marka uu waqtigoodu idlaado.


Maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa ku dhawaaqay in uusan aqoonsanayn guddiga Doorshada dowladda Federaalka Soomaaliya oo sanado ka hor la aas aasay.

Saciid Deni oo ah hoggaamiyaha maamulka Garowe ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo in aysan doorasho ka dhici doonin dalka wuxuuna soo jeediyay in maamulkiisu isku tashado.

Isagoo boqolaal qof lahadlayay ayuu si cad u sheegay in aysan reja weyn ka qabin in marka lagaaro sanadda 2021 ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah "Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?” ayuu yiri Deni.


Sidoo kale hoggaamiyaasha Xisbiyada ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa iyana qabo walaac kan udhow oo ah in Farmaajo iyo Kheyre ay xilka kororsadaan iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in sababa ammaan aawgeed aysan doorasho qabsoomi karin.

Kumanaan katirsan ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo ay kaabayaan kuwa Uganda,Burundi iyo Jabuuti ayaa soomaaliya duullaan ku jooga kumana guulaysan in ay hirgeliyaan ajandayaasha reergalbeedka oo ah in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuquraadi kufri ah.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items