Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Monday December 16, 2019 - 06:43:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyada Weeraro khasaara dhaliyay oo ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay laba magaalo oo uu ka taliyo maamulka isku magacaabay Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay laba magaalo oo uu ka taliyo maamulka isku magacaabay Puntland.


Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii gudaha magaalada Boosaaso ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa shirkadda shisheeye ee lagu magacaabo Saarasan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay Boosaaso ku dileen Max'med Axmed oo kamid ahaa saraakiisha shirkadda Amniga Saarasan oo qaab ashahaadda ladirirnimo uga howlgasha deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Dhinaca kale weeraro loo adeegsaday Bambaanooyin ayaa lagu qaaday saldhigga Bartamaha ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo is xigxigay kuwaas oo ka dhashay Bambaanooyin lagu weeraray saldhigga.


Ugu yaraan 2 katirsan ciidamada Booliska maamulka Mudug qeybta Puntland ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen weerarkii xalay ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraradan khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo oo dhaca bartamaha iyo waqooyi Bari Soomaaliya.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items