Saldhigga Ciidamada AMISOM ee deegaannada Arbacoow iyo Lambar60 oo Weeraro lakulmay.

Monday December 16, 2019 - 13:33:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidamada AMISOM ee deegaannada Arbacoow iyo Lambar60 oo Weeraro lakulmay.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro saf ballaaran ah ku miray saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weeraro saf ballaaran ah ku miray saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin deegaanno katirsan Sh/Hoose.


Wararka ka imaanaya Sh/Hoose waxay sheegayaan in xalay maqribkii weeraro xooggan lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ku leeyihiin deegaanka Lambar60.

Sidoo kale xalay saqdii dhexe ayay dagaalyahannada Al Shabaab weerar aad u xooggan ku mireen saldhigga ciidamada Burundi ee deegaanka Ceelasha Biyaha gaar ahaan halka loo yaqaan Arbacoow.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen Takbiirta ay ku dhawaaqayeen Xoogagga Al-Shabaab, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada AMISOM ay madaafiic ku garaaceen dhulka howdka ah kadib markii ay dagaalladu soo gaba gaboobeen.


Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalladii xalay ka dhacay deegaanno katirsan Sh/Hoose.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items