Axmed Madoobe oo Eedayn cusub ujeediyay dowladda Farmaajo kana warbixiyay Safarkiisi Kenya.

Monday December 16, 2019 - 20:47:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo Eedayn cusub ujeediyay dowladda Farmaajo kana warbixiyay Safarkiisi Kenya.

    Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay in xal waara laga gaaro khilaafka udhaxeeya isaga iyo dowladda Federaalka ee Farmaajo madaxda ka yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Madoobe ayaa dabadhilif u ah dowladda Kenya
Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay in xal waara laga gaaro khilaafka udhaxeeya isaga iyo dowladda Federaalka ee Farmaajo madaxda ka yahay.


Isagoo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kadib markii uu kasoo laabtay Nairobi ayuu sheegay in ay miradhal noqon waayeen dhammaan isku dayadii lagu doonayay in lagu heshiisiiyo maamulkiisa iyo dowladda Farmaajo.

Wuxuu sheegay in 20-kii maalmood ee uu ku sugan magaalada Nairobi uu kulamo laqaatay wakiillada waxa loogu yeero beesha caalamka ee gacanta ku haya siyaasadda dabadhilifnimada ku dhisan ee Soomaaliya islamarkaana uu u sheegay in DF-ka fashilantay ayna doonayso duminta maamullada dhisan sida uu hadalka u dhigay.


"Dowlada Federalka waxay shaqadeeda dhamba kusoo koobtay halkee dhisan oo aan duminaa mana ka shaqeynayso danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, taasna xisaab ayaa ka danbeyn doonto” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland ayaa wacad ku maray in uusan aqbali doonin handadaada iyo caga juglaynta dhanka siyaasadda ah ee uga imaanaysa Farmaajo iyo Kheyre wuxuuna sheegay in marnaba uusan siyaasadda Villa Somalia ku shaqeyn doonin.

"Xaalada Soomaaliya hadda uma baahna anaa iri iyo sidaan rabaa socon ee xalka ay u baahantahay ayaa ah wadatashi iyo in isfaham rasmi ah lagaga gaaro waxkasta oo la isku qabto” ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya waqti dowladda Farmaajo ay maamulka Jubbaland ka goysay inta badan maamulladii ka jiray gobolka Gedo sida degmooyinka Luuq, Garbahaarey iyo Dooloow waxaana socdo dadaallo DF-ka ay ku qabsanayso Baardheere iyo Ceelwaaq.

Khilaafka udhaxeeya labadaan maamul ee dabadhilifyada ah wuxuu saameeyay ciidamada gummeysiga Itoobiya iyo Kenya oo garabayadan kala wata, garoonka diyaaradaha magaalooyinka Kismaayo ayaa bilo ka hor laga hor istaagay in ay ka degaan saraakiil Itoobiyaan ah oo doonayay in ay Axmed Madoobe xiraan.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items