Jeneraal Musharaf Madaxweynihii hore ee Pakistan oo lagu xukumay daldalaad.

Tuesday December 17, 2019 - 14:10:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Musharaf Madaxweynihii hore ee Pakistan oo lagu xukumay daldalaad.

    Maxkamadda sare ee wadanka Pakistan ayaa xukun adag ku ridday madaxweynihii hore ee wadankaas gacanta birta ah ku maamulayay ahaana Jeneraal Melleteriga katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda sare ee wadanka Pakistan ayaa xukun adag ku ridday madaxweynihii hore ee wadankaas gacanta birta ah ku maamulayay ahaana Jeneraal Melleteriga katirsan.


Guddoomiyaha maxkamadda khaaska ah ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in Pervez Musharraf musharraf lagu xukumay daldalaad kadib markii lagu helay dambiyo dhowr ah.

Mas'uuliyiin Pakistaaniyiin ah ayaa sheegay in maxkamadda ladagaallanka Argagaxisada Pakistan ay kaligii taliye Musharaf ku xukuntay in ladilo xilli uu dalka dibaddiisa ku maqanyahay.

Dambiyada ugu waaweyn ee Musharaf lagu helay waxaa kamid ah in uu ku dhacay khiyaano qaran kadib markii uu jebiyay qodobka 6aad ee dastuurka u degsan Pakistan, qadiyadaha lagu ciqaabayo Pervez Musharraf waxaa ugu waaweyn Afar qodob sida in uu cilladeeyay dastuurka wadanka, in uusoo rogay xaalad degdeg ah sanaddii 2007 islamarkaana uu casilay madaxii guddiga garsoorka ninka lagu magacaabo Iftikhar Chaudhry.


Jeneraal Musharaf waa dagaal ooge gummaad ugeystay shacabka Pakistan wuxuu leeyahay taariikh madoow oo ay kamid tahay in uu ciidamada Mareykanka ku hoggaamiyay dalka Afghanistan isagoo qeyb weyn ka ahaa isbahaysigii islaam ladirirka ahaa ee G.W.Bush hoggaaminayay sanaddii 2001.

Sanaddii 2007 ayuu Musharaf xaalad degdeg ah kusoo rogay wadanka kadibna ciidamada Melleteriga ayuu u safaxay in ay duullaan dad badan lagu xasuuqay ku qaadaan gobolka Iswaad ee wadanka Pakistaan.

lama oga in go'aankan maxkamadda sare ay gaartay uu fuli doono iyo inkale maadaama Musharaf uu ku suganyahay wadanka Imaaraatka tan iyo sanaddii 2016-kii xilligaas oo safar caafimaad uu ku aaday magaalada Abu Dubai.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items