Al Shabaab oo 9 qof Kenyaan ah ku dishay Weerar Cusub oo ka dhacay Gaarisa.

Tuesday December 17, 2019 - 21:22:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo 9 qof Kenyaan ah ku dishay Weerar Cusub oo ka dhacay Gaarisa.

    Weerar khasaara badan dhaliyay ayaa markale ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee dowladda Kenya gummeysiga ku haysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar khasaara badan dhaliyay ayaa markale ka dhacay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee dowladda Kenya gummeysiga ku haysato.


Wararka ka imaanaya gobolka Gaarisa ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar dad badan Kenyaan ah lagu dilay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Harbuul.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 9 qof Kenyaan Kirishtan ah oo u shaqeynayah xukuumadda Nairobi.

"9 qof saliibiyiin Kenyaan ah kana mid ahaa shaqaalaha dowladda Kenya ayaa ku dhitay weerar mujaahidiintu ka fuliyeen tuulada Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujirta magaalada Gaarisa" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Horraantii bishaan ayay aheyd markii weerar 10 qof Kenyaan ah lagu dilay uu ka dhacay deegaanka Kutulo oo hoos taga degmada Wajeer, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weerarkaan cusub ee ka dhacay Gaarisa.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items