Video: Taliyaha Xabsiga dhexe oo sabab u ahaa dhimashada Nin Maxbuus ah.

Wednesday December 18, 2019 - 08:07:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Taliyaha Xabsiga dhexe oo sabab u ahaa dhimashada Nin Maxbuus ah.

    Mas'uul sare oo katirsan saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ayaa si bareer ah udilay mid kamida maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul sare oo katirsan saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ayaa si bareer ah udilay mid kamida maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Jeneraal Maxamed Shiikh Xirsiile oo ah taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa nin Maxbuus ahaa aadna u xanuunsanaa kala baxay Isbitaal kuyaal Muqdisho taas oo sababtay in Maxbuuska uu udhinto daryeel la'aan.

Kurtun Xasan Calasoow oo ahaa maxbuus 8 sanadood xarig ah ku xukunnaa ayaa ku xanuunsaday Xabsiga dhexe kadibna waxaa lageeyay isbitaal balse maxbuuska oo xaalad kooma ah kujiray ayuu taliye Maxamed Shiikh Xirsiile kala baxay isbitaalka qeybta xaaladda degdegga ah saacado kadibna Maxbuuska ayaa dhintay.


Eehellada dhibanaha ayaa xilligii falkaasi dhacayay Video ka duubay waxayna soo bandhigeen tacadiga uu geystay taliyaha Xabsiga dhexe.

Halkan Ka degso Muuqaalka ama hoos ka daawo



Isha Muuqaalka: Telefeshinka SomNews

Related Items