Weerar gaadiid lagu furtay maxaabiisna Kenyaan ahna lagu qabsaday oo ka dhacay gobolka Wajeer.

Wednesday December 18, 2019 - 18:24:12 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar gaadiid lagu furtay maxaabiisna Kenyaan ahna lagu qabsaday oo ka dhacay gobolka Wajeer.

    Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar qorshaysan ku qaaday deegaan katirsan gobolka Wajeer ee ku hoos jira gummeysiga dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar qorshaysan ku qaaday deegaan katirsan gobolka Wajeer ee ku hoos jira gummeysiga dowladda Kenya.


War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ka dhacay Wajeer lagusoo qafaashay shaqaale ushaqeynayay dowladda Kenya "Mujaahidiinta ayaa howlgal barakaysan oo ay ka fuliyeen gobolka Wajeer ee dhulka NFD waxay kusoo qafaasheen shaqaale katirsan dowladda Saliibiyadda Kenya 2 gaarina waa soo qaniimeysteen" ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay xuduud beenaadka kalasoo tallaabeen 2 gaari oo kala ahaa Qooqan iyo cagaf cagaf ay laheyd dowladda Kenya, lama oga xaaladda ay ku suganyihiin dadka Kenyaanka ah ee lagusoo qafaashay weerarkan cusub ee ka dhacay gobolka Wajeer.

Shalay ayay aheyd markii weerar ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa lagu dilay ugu yaraan 9 oo katirsanaa shaqaalaha dowladda Kenya.


Related Items