Alsiisi oo qiray in dowladdiisu ay taageero siinayso dagaal Oogaha Liibiya colaadda ka wada.

Wednesday December 18, 2019 - 15:08:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alsiisi oo qiray in dowladdiisu ay taageero siinayso dagaal Oogaha Liibiya colaadda ka wada.

    Markii ugu horraysay dowladda Masar ayaa qirtay in ay qeyb weyn ka tahay faragelinta melleteri ee dowladaha shisheeye ay ku qaadeen wadanka dariska la ah ee Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay dowladda Masar ayaa qirtay in ay qeyb weyn ka tahay faragelinta melleteri ee dowladaha shisheeye ay ku qaadeen wadanka dariska la ah ee Liibiya.


Cabdi Fataax Alsiisi oo ah hoggaamiyaha Inqilaanka Melleteri ku qabsaday Masar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in taageera weyn ay siinayaan Jeneraal Khaliifa Xaftar oo uu ku sheegay nin dadaal ugu jira dib usoo celinta ammaanka iyo dowladnimada Liibiya.

Alsiisi oo kalimad ka jeediyay shirka dhalinyarada magaalada Sharmal Sheekh ayaa dhaleeceeyay dowladaha kale ee ku lugta leh colaadda Liibiya wuxuuna ku eedeeyay in ay diidanyihiin in dhibaatada wadankaas ka jirta lagu xalliyo hanaan siyaasadeed.


Hoggaamiyaha dowladda dabadhilifka Masar ayaa si dadbadan Turkiga iyo Qadar ugu eedeeyay in ay taageera siinayaan xukuumadda Caalamku aqoonsanyahay ee Al Wifaaq taas oo maamusha sedaxda magaalo ee wadanka ugu weyn sida Daraabulis,Misraata iyo Sirta.

Sanaddii 2014 ayuu dagaal ooge Xaftar Iclaamiyay duullaan melleteri oo uu ku qabsanayo talada wadanka Liibiya balse wuxuu la kulmay iska caabin uga imaanaysay xoogag jihaadi ah oo dhinac ah iyo maleeshiyaad ay dhanka siyaasadda isku diidanyihiin.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items