Askar katirsan AMISOM oo ku dhintay qarax ka dhacay degmada Mahadaay.

Wednesday December 18, 2019 - 15:10:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar katirsan AMISOM oo ku dhintay qarax ka dhacay degmada Mahadaay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan labada Shabeelle kuwaas oo lala beegsaday ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir askari AMISOM katirsan oo Soomaaliya lagu dilay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan labada Shabeelle kuwaas oo lala beegsaday ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda.


Qarax maanta barqadii ka dhacay gudaha degmada Mahadaay ee Sh.dhexe ayaa lala beegsaday ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, dada goob joogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 2 askari halka askari kale uu dhaawac soo gaaray.

Markii qaraxu dhacay kadib ayay ciidamada Burundi rasaas ku fureen wadada hareeraheeda balse lamasoo sheegin khasaare shacabka kasoo gaaray.

Dhinaca kale weerar xooggan ayaa xalay lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Arbacoow ee duleedka magaalada Muqdisho.

 
weerar kale oo ka dhacay inta udhaxaysa Wallaweyn iyo garoonka Balidoogle waxaa lagu beegsaday Mootooyin ay la socdeen maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items