Taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar oo Shaqada laga Eryay kadib markii uu tacadi geystay.

Wednesday December 18, 2019 - 15:29:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar oo Shaqada laga Eryay kadib markii uu tacadi geystay.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqada looga eryay taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar kadib markii uu silic udilay mid kamida maxaabiista ku xiran xabsiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka ciidamada Asluubta DF
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqada looga eryay taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar kadib markii uu silic udilay mid kamida maxaabiista ku xiran xabsiga.


Afhayeenka ciidamada Asluubta DF oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay aad ucambaaraynayaan falkii lagu dilay Xasan Kurtun Calasoow oo kamid ahaa maxaabiistii Xabsiga dhexe ku xirneed.

Taliska Asluubta wuxuu sheegay in ay shaqada ka eryeen Jeneraal Maxamed Shiikh Xirsiile oo ahaa taliyaha Xabsiga dhexe kaas isbitaalka Martiin kala baxay Maxbuus Xasan Kurtun Calasoow isagoo xaaladiisa caafimaad ay aad uliidato.


DF-ka waxay fal dambiyeedka ay geysatay ku duug duugtay magacaabista guddi baara qaabkii loo dilay Maxbuus Kurtun Xasan, Afhayeenka u hadlay taliska Booliska ayaa warbaahinta Muqdisho ka codsaday in aysan buun buunin gabood fallada maxaabiista loogu geysanayo xabsiga dhexe.

Ehellada Maxbuuska tacdiibinta udhintay ayaa warbaahinta ka sheegay in ay tallaab adag ka qaadi doonaan dowladda Federaalka haddii aysan kala xaajoon falkii lagu dilay Maxbuuska kaasi oo isagoo xaalad kooma ah kujira isbitaalka lagala baxay kadibna dhintay.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items