Kooxda Boko Haram oo Weerar dad badan ku dhinteen ka fulisay Wadanka Jaad.

Thursday December 19, 2019 - 10:58:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Boko Haram oo Weerar dad badan ku dhinteen ka fulisay Wadanka Jaad.

    Tobanaan qof ayaa ku dhimatay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen wadanka Jaad oo kamid ah wadamada dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof ayaa ku dhimatay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen wadanka Jaad oo kamid ah wadamada dhaca galbeedka qaaradda Afrika.


Mas'uul u hadlay xukuumadda Jaad ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof ay dhinteen tira kalane ay dhaawacmeen kadib markii dagaalyahanno katirsan Kooxda Boko Haram ay weerar xooggan ku qaadeen tuulooyin ku teedsan Harada Jaad kaabigana ku haya xuduud beenaadka Nigeria.

Imouya Souabebe oo ah guddoomiyaha gobolka Weerarku ka dhacay ayaa wakaaladda wararka Faransiiska u sheegay in kooxo tira yar ay weerareen tuulada Kaiga kadibna ay heleen gurmad taas oo sababtay in weerarku uu xoogeysto khasaaruhuna uu bato.


Deegaanka weerarku ka dhacay waxaa sugnaa Kalluumeysato ka jallaabaynaysay Harada Jaad oo qiyaastii 33 Mile ujirta goob sedax xagal xuduudeedka ah.

Kooxda Boko Haram oo uu hoggaamiyo Abuubakar Shekaawa ayaa sanadadii dambe weerarada ugu badan ka geysanaysay xuduudda Nigeria iyo Kaamiruun ay wadaagaan waxayna kooxdan dagaal adag kula jirtaa ciidamada melleteriga ee dowladaha Nigeria iyo Kaamiruun.


Related Items