R/Wasaare Cusub oo loo magacaabay Dowladda Lubnaan.

Thursday December 19, 2019 - 19:50:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Cusub oo loo magacaabay Dowladda Lubnaan.

    Miishaal Cown oo ah Madaxweynaha Kirishtaanka ah ee wadanka Lubnaan ayaa soo magacaabay R/Wasaare cusub kadib markii uu bil ka hor iscasilay Sacad Al Xariiri R/wasaarahihii hore ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miishaal Cown oo ah Madaxweynaha Kirishtaanka ah ee wadanka Lubnaan ayaa soo magacaabay R/Wasaare cusub kadib markii uu bil ka hor iscasilay Sacad Al Xariiri R/wasaarahihii hore ee wadankaasi.


R/Wasaaraha cusub ayaa loo magacaabay siyaasi lagu magacaabo Xasaan Diyaab oo kamid ah dadka taageerada weyn ka haysta Ururka Shiiciga Xisbullaah.
Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in Xasaan Diyaab uu helay taageerada inta badan xubnaha baarlamaanka Lubnaan oo Meshaal Cown latashi lasameeyay.

Siyaasiga loo doortay R/wasaaraha cusub ayaa horay usoo noqday wasiirka Waxbarashada intii u dhaxaysay sanadihii 2011 illaa 2014 wuxuuna kamid ahaa xubnihii golaha wasiirrada xukuumaddii Najiib Miiqaati ee taageerada weyn ka haystay Ururka Xisbullaah isku magacaabay.


Xasaan Diyaab ayaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumada cusub oo dalka Lubnaan ka saarta xaaladda adag ee dhanka dhaqaalaha ah, malaayiin qof oo ka cabanaya dhaqaala xumo iyo musuq maasuq ayaa taagan fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Caasimadda ah ee Beyruut.

Lama oga in xukuumadda lasoo dhisi doono lagu salaynayo hanaanka awood qeybsiga kooxaysiga ku dhisan iyo inkale, hoggaamiyaasha kacdoonka ayaa horay ugu hanjabay in ay ridi doonaan xukuumad walba oo ku timaad kooxaysi islamarkaana musuq maasuq ku kacda.


Related Items