Xisbi ay ku midaysanyihiin Xasan Sheekh iyo Shariif oo ku Eedayn hor leh u jeediyay Farmaajo.

Thursday December 19, 2019 - 19:59:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbi ay ku midaysanyihiin Xasan Sheekh iyo Shariif oo ku Eedayn hor leh u jeediyay Farmaajo.

    Xisbiyada siyaasadda Mucaaradka ah ayaa eedayn kulul ujeediyay hoggaanka dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada siyaasadda Mucaaradka ah ayaa eedayn kulul ujeediyay hoggaanka dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Max'med Cabdullaahi Farmaajo.


Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiga ayaa lagu sheegay in ay burbureen dhammaan wadahadalladii kala dhaxeeyay Farmaajo kadib markii uu ka baxay wixii lagu ballaamay.

Xisbiyadan oo ay ku midaysanyihiin Xildhibaanno iyo Madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka ayaa bishii lasoo dhaafay Villa Somalia wadahadal kula galeen  Farmaajo waxayna ku heshiiyeen in xaaladda ladajiyo waxaana muuqata in khilaafka udhaxeeya uu markale cirka iskusii shareeray.


Farmaajo iyo Kheyre ayaa ku eedaysan in ay qamcin ku hayaan dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka islamarkaana ay xusulduub ugu jiraan sidii ay muddo kororsi usameynsan lahaayeen.


Related Items