Faahfaahin dheeraad ah dagaalkii Sh/dhexe iyo Meydadka Askartii laga Laayay DF Oo Weli Daadsan Goobihii lagu dagaallamay.

Saturday December 21, 2019 - 11:33:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin dheeraad ah dagaalkii Sh/dhexe iyo Meydadka Askartii laga Laayay DF Oo Weli Daadsan Goobihii lagu dagaallamay.

    Wararka saaka oo sabti ah nagasoo gaaraya Sh/dhexe ayaa sheegaya in xaaladda goobihii lagu dagaallamay maalintii shalay ay tahay mid deggan, islamarkaana ay hadda ku sugan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab oo ku itaal roonaaday dagaalkii hal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka saaka oo sabti ah nagasoo gaaraya Sh/dhexe ayaa sheegaya in xaaladda goobihii lagu dagaallamay maalintii shalay ay tahay mid deggan, islamarkaana ay hadda ku sugan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab oo ku itaal roonaaday dagaalkii halkaasi ka dhacay.


Dagaalkan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa yimid kadib markii ciidamo hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah u dhigeen kolonyo maleeshiyaad ah oo duullaan kusoo ahaa goobaha ay ka taliso Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas khasaare xooggan oo isugu jira naf iyo maalba lagu gaarsiiyey ciidamada DFS.

Sarkaal katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka idaacada Andalus u sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay tuulada Xaaji Cali ee duleedka degmada Cadale lagu dilay ugu yaraan 9 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaatka DFS laguna dhaawacay tiro intaas ka badan.


Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah meydadka askarta Soomaalida ee lagu laayay weerarkaas uu illaa iyo hadda yaallo goobihii lagu dagaalamay  islamarkaana ay maleeshiyaadka u suuragali weysay in ay qaataan meydadkooda kadib markii uu jab xoogan kasoo gaaray dagaalka.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in goobta dagaalka lagu arkay meydadka 5 askari oo ciidamada dowladda ay usuurta geli waysay in ay qaataan waxaana jira dhaawacyo dhulka howdka ah ku firxaday kuwaas oo laga yaabo in ay dhinteen.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa weerarkii shalay ka dhacay duleedka tuulada Xaaji Cali ku qabsaday gaari gaashaaman oo noociisa lagu sheegay inuu ahaa Taw iyo gaari kale oo Ambalaas ah, kuwaas oo ka mid ahaa gaadiidkii ugu dambeeyey ee dowlada Turkiga ay ugu deeqday maleeshiyaatka Soomaalida.

lasoco  SomaliMeMo si aad  u hesho Wararkii ugu Dambeeyey ee dagaalkaasi.

Related Items