Masjid Muslimiintu leeyihiin oo lagu gubay Gobolka Amxaarada Itoobiya.

Saturday December 21, 2019 - 11:32:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masjid Muslimiintu leeyihiin oo lagu gubay Gobolka Amxaarada Itoobiya.

    Kumanaan qoys oo kamid ah muslimiinta ku dhaqan wadanka Itoobiya ayaa barakac bilaabay kadib markii ay colaadin kala kulmeen dadka Nasaarada Kirishtaanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan qoys oo kamid ah muslimiinta ku dhaqan wadanka Itoobiya ayaa barakac bilaabay kadib markii ay colaadin kala kulmeen dadka Nasaarada Kirishtaanka ah.


Wararka ka imaanaya gobolka Amxaarada ayaa sheegaya in kooxo Xagjirayaal Nasaara ah ay gubeen masjidka ugu weyn ee muslimiintu ku leeyihiin gobolkaas iyo goobo ganacsi.

Muuqaal Video ah oo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay dab xooggan oo ka kacaya masjidka muslimiinta gobolka Amhara, saraakiisha booliska ayaa sheegay in gabi ahaanba uu masjidku gubtay waxaa sidoo kale dab laqabadsiiyay Maraakiz iyo goobo ganacsi oo muslimiintu leeyihiin.


Dhacadadan waxay imaanaysaa xilli dadka Nasaarada Itoobiyaanka ah ay isku diyaarinayaan in ay udbaal degaan waxa loogu yeero maalinta Kirismiska, sanaddii lasoo dhaafay ayay isku dhacyo u dhaxeeya muslimiinta iyo kirishtaanka ka dhaceen isla gobolka Amhara.

FadlanLike Saar Page-ka SomaliMeMo ee Facebook.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items