Al Shabaab oo war cusub kasoo saartay qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb [Warbixin].

Sunday December 22, 2019 - 19:35:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo war cusub kasoo saartay qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb [Warbixin].

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo xarumo u ah gobollada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo xarumo u ah gobollada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qarax xooggan uu maanta duhurkii ka dhacay goob ay ku sugnaayeen saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in laba sarkaal ay ku dhaawacmeen qaraxii maanta ka dhacay Dhuusamareeb.

Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxa ay labartil maameedsatay goob ay ku sugnaayeen askarta iyo saraakiisha dowladda, saraakiisha ku dhaawacmay qaraxii maanta waxaa kamid ah Mahad Bidaar oo ah taliye ku xigeenka ilaalada madaxtooyada Galmudug.


Goob joogayaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen jugta qarax aad uxooggan.

Dhinaca kale faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay gobolka Mudug, war cusub oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in weerarkii xalay lagu dilay 10 askari oo saraakiil ay kamid yihiin halka dhaawacyadu sii caga cagaynayaan 50 kuwaas oo ubadan ilaaladii taliyaha labeegsaday.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarkani uu ahaa mid uu fuliyay dagaalyahan naftiis hure ah oo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

Sidoo kale Jeneraal Cabdi Xamiid Maxamed Dirir oo ah taliyaha ciidamada lugta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in isaga iyo taliyaha guutada 21aad ay si dirqi ah uga badbaadeen weerar qarax ah oo xalay lagula beegsaday Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in gaarigii ay la socdeen uu haleelay qarax aad u weyn xilli ay kasii baxayeen Hoteelka Five Star ee dhaca Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Mas'uulkan wuxuu sheegay in ugu yaraan Afar askari ay uga dhinteen qaraxa halka kuwa kale oo dhaawacyo soo gaareen ay xaaladooda caafimaad aad uliidato isagoo cambaareeyay weerarkan oo mas'uuliyaddiisa ay sheegatay Xarakada Al Shabaab.

Weeraradan ka dhacay magaalooyinka caasimadaha u ah Mudug iyo Galguduud ayaa imaanaya xilli ammaanka si aad ah loo adkeeyay islamarkaana DF-ka ay ku mashquulsantahay qabashada doorshada madaxtinimada maamul ku sheegga Galmudug.

Related Items