Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo lagala wareegay deegaanka Goofguduud Buureey.

Monday December 23, 2019 - 08:30:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo lagala wareegay deegaanka Goofguduud Buureey.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saaka ka dhacay deegaan istiraatiiji ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saaka ka dhacay deegaan istiraatiiji ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan maamulka Koonfur Galbeed.


Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar kula jarmaaday saldhigyada maleeshiyaadka maamulka 'Koonfur Galbeed' ee deegaanka Goof guduud Buureey waxaana halkaas ka dhacay dagaal khasaara badan dhaliyay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaalkii saaka lagu dilay 8 askari oo katirsanaa maleeshiyaadka maamulka Cabdi Caziiz Laftagareen, xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ayay usuurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Goofguduud.


Ma ahan markii ugu horraysay oo Xoogaga Al Shabaab ay weerar khasaara geysta ku qaadaan deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.


Related Items