Mareykamka oo xaqiijiyay in hal askari looga dilay Weerar gaadma ah oo ka dhacay Afghanistan.

Monday December 23, 2019 - 08:29:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykamka oo xaqiijiyay in hal askari looga dilay Weerar gaadma ah oo ka dhacay Afghanistan.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa xukuumadda Afghanistan kasoo gaaray weerar uga yimid dagaalyahannada Jihaadiga Taliban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa xukuumadda Afghanistan kasoo gaaray weerar uga yimid dagaalyahannada Jihaadiga Taliban.


Wararka ka imaanaya Waqooyiga Afghanistan ayaa sheegay in dagaal culus oo Mujaahidiinta iyo ciidamada huwanta ah ku dhaxmaray deegaanka Xaaji Safri uu sababay dhimashada Askari American ah iyo dhaawac soo gaaray askari kale.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah Afhayeenka Taliban ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay fashiliyeen weerar ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabuul ay ku qaadeen deegaan katirsan Wilaayada Qunduus islamarkaana ay khasaara xooggan dhabarka usaariyeen ciidamadii soo duulayaasha ahaa.


Dhinaca kale war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in hal askari uu uga dhintay dagaal shalay ka dhacay waqooyiga Afghanistan, Mareykanku tafaasiil dheeri ah kama bixin sida uu udhacay dagaalka askariga looga dilay.

Dagaalka 18 sana jirsaday ee ka socda wadanka Afghanistan ayaa sababay dhimashada kumanaan askari shisheeye ah halka Taliban ay lasii wareegayso inta badan gobollada uu wadankaasi ka koobanyahay.

Related Items