Taariikhyahanadu waxay sheegaan in dhibaatada ku habsatay Soomaalida laga raacay laba arrin midkooda, midda koowaad ayaa ah Khudlaankii iyo dhagartii ay ku sameeyeen Halgankii Sayidka oo ay ku fiirsadeen dagaalkii gummeystaha, midda labaad ayaa ah gummaadkii uu Max'med Siyaad Barre ugeystay culimadii diiday gaalnimadiisa oo ay ka dhiidhin waayeen.
Dhibka dabada dheeraaday ee Soomaalida haysta ayaa loo sababeeyay cuqabadii laga dhaxlay labadaas arrin, Daraawiishtii Sayidka waxay nabareen sida gummeystaha laysaga yureeyo iyo xummaanta dabadhilifnimada.
Dhageyso: 99 Sanadood oo kasoo wareegtay Geeridii Halgamaa Sayid Max'med Cabdulle Xasan.
Alle ha unaxariistee halgamaagii mujaahidka ahaa ee Sayid Max'med Cabdulle Xasan iyo Daraawiishtiisi ayaa umadda Soomaaliyeed uga tagay dhaxal aan waligiis go'i doonin kaas oo ah halgan jihaadi ah iyo faafinta diinta Islaamka.