Video: Nin Beeniyay Kitaabka iyo Sunnada oo wadanka Imaaraatka Carabta ku geeriyooday.

Monday December 23, 2019 - 12:02:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Nin Beeniyay Kitaabka iyo Sunnada oo wadanka Imaaraatka Carabta ku geeriyooday.

    Magaalada Abu Dubai ee wadanka isku tagga Imaaraadka Carabta waxaa shalay ku geeriyooday nin Zandiiq faasida ah oo caan ku ahaa in uu Aflagaadeeyo Nabigeena Muxamed SCW iyo Asaxaabtiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murtad Max'med Shaxruur ayaa ku halaagsamay magaada Abu Dubai
Magaalada Abu Dubai ee wadanka isku tagga Imaaraadka Carabta waxaa shalay ku geeriyooday nin Zandiiq faasida ah oo caan ku ahaa in uu Aflagaadeeyo Nabigeena Muxamed SCW iyo Asaxaabtiisa.

Max'med Shaxruur oo warbaahinta reergalbeedka iyo kuwa dowladaha Carabta ay ku sheegi jireen Mufakir Islaami ah ayaa halaagsamay isagoo 81 sana jir ah, wuxuu ahaa Murtad ugefay Nabiga SCW wuxuuna si cad u beeniyay Kitaabka Qur'aanka iyo sunnada.

Telefeshinada Dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga ayaa sanadadii dambe lagu marti qaadayay iyagoo ku sheegaya in ay kula dagaallamayaan waxa ay ugu yeeraan Xagjirnimada.

Waxyaabaha uu aaminsanaa Max'med Shaxruur waxaa kamid ah in Qur'aanku uusan dhameys tirnayn, in Nabiga SCW uusan Risaalada wada gaarsiin caalamka iyo waxyaabo kale oo dhammaantood gaalnimo cad ah.


Max'med Shaxruur oo sanaddii 1938 ku dhashay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya ayaa muslimiin ka aamisanaa Yahuudda,Nasaarada iyo Buudiyiinta isagoo oran jiray "cid walba oo Alle rumeysan waa muslim Ahlu Janna ah".

Nabiga SCW oo labeeniyo ayuu ku sheegayay islaamnimo dhammeystiran, Ninka Dajaalka ah ee halaagsamay ayay dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Aala Sacuud siiyeen Manaabir Iclaami ah oo uu fasaadkiisa ku faafinayay.

Baraha Bulshada lagu faafiyay Muuqaallo ku saabsan gefafkii uu Max'med Shaxruur ugeystay diinta Islaamka.

Halkan ka degso Video ama Hoos ka Daawo.



Related Items