Ciidamo Soomaali iyo American ah oo qaraxyo lagula beegsaday duleedka Kismaayo.

Tuesday December 24, 2019 - 10:12:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Soomaali iyo American ah oo qaraxyo lagula beegsaday duleedka Kismaayo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari American ah oo ku sugan garoonka Balidoogle
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.


Silsilado qaraxyo ah ayaa shalay gelinkii dambe lagu weeraray ciidamo huwan ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka sameynayeen deegaanno dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowr qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay saraakiil American ah, ciidamada huwanta ah ayaa dhaq dhaqaaq ka sameeyay dhanka Baar Sanguuni balse illaa 3 qarax ayay kala kulmeen xoogaga Al Shabaab.

warar hordhac ah ayaa sheegaya in hal askari oo katirsan ciidamada maamulka 'Jubbaland' uu ku dhintay qaraxyadii shalay iyadoona waxyeello ay gaartay qaar kamid ah gaadiidka qafilan oo ay wateen saraakiisha Americanka ah, ciidamada huwanta ah oo wata Meydad iyo dhaawacyo ayaa xalay maqribkii dib ugu laabtay Kismaayo.



Related Items