Dibad baxyo loogasoo Horjeedo Gubiddii Masaajidda Muslimiinta gobolka Amhara oo ka dhacay dhulka Soomaaligalbeed.

Tuesday December 24, 2019 - 12:26:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo loogasoo Horjeedo Gubiddii Masaajidda Muslimiinta gobolka Amhara oo ka dhacay dhulka Soomaaligalbeed.

    Kumanaan kun oo qof ayaa dibad baxyo ka dhigaya magaalooyinka waaweyn ee dhulka gummeysiga Itoobiya ku jira ee Soomaaligalbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan kun oo qof ayaa dibad baxyo ka dhigaya magaalooyinka waaweyn ee dhulka gummeysiga Itoobiya ku jira ee Soomaaligalbeed.


Dad caraysan ayaa isugusoo baxay fagaarayaasha waaweyn ee magaalooyinka Jigjiga iyo Qabridaharre waxayna kasoo horjeedaan xad gudubyadii lagula kacay masaajidda iyo goobaha ganacsiga Muslimiinta ee gobolka Amxaarada.

Magaalada Qabridaharre ayay dadku goob fagaare ah ku gubeen calanka ismaamulka Amhara waxayna ugu baaqeen dowladda Itoobiya in ay tallaab ka qaaddo kuwii gubay Masaajidda muslimiinta iyo goobaha ganacsiga.

Dhanka magaalada Jigjiga kumanaan kun oo ubadan ardayda waxka barata jaamacadaha iyo Iskuullada ayaa dibad baxyo ballaaran dhigay, culimaa'udiinka Soomaaligalbeed ayaa ku baaqay in gacan laga geysto sidii loo taageeri lahaa muslimiinta lagu dhibaataynayo gobolka Amxaarada.


Dadka iskusoo baxyada dhigaya ayaa ku qeyllinaya Erayo ay ka mid yihiin "Allaahu Akbar Amxaaro dooni Meynno Islaamka Alle ha guuleeyo" iyo Erayo kale oo dhammaantood ay ku cabirayaan shucuurkooda diimeed.

Sidoo kale magaalooyinka Qodeey iyo Shiniile ayaa lagasoo sheegayaa dibad baxyadu ay muslimiintu ugasoo horjeedaan dhibaatada lagu hayo muslimiinta aqaliyadda ku ah gobolka Amxaarada.


Related Items