Dowladda Farmaajo oo Amar adag duldhigtay Bankiyada Ganacsiga ee Muqdisho.

Tuesday December 24, 2019 - 12:42:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Farmaajo oo Amar adag duldhigtay Bankiyada Ganacsiga ee Muqdisho.

    Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar ay ku cuuryaaminayso ganacsiga Xurta ah ee ka jira qeybo katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar ay ku cuuryaaminayso ganacsiga Xurta ah ee ka jira qeybo katirsan magaalada Muqdisho.


Amar kasoo baxay Bankiga dhexe ee dowladda ayaa lagu amray Bankiyada qaarka loo leeyahay in ay xireen Xisaabaadka ufuran dadka ku shaqeysta Sarifka lacagta Online-ka ee loo yaqaan Forex.

Go’aan ka soo baxay Maamulka Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in qaraar lambarkiisa yahay 43/G, kaasoo lagu farayo in sida ugu dhaqsiyaha badan Bankiyada gaarka loo leeyahay dhammaan xisaabaadka (Bank Accounts) ee Ganacsatada iibiya lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah Forex Trading uga furan bankiyada.


Ganacsiga Sarifka lacagta Online-ka oo waayadii dambe shaqo unoqday kumanaan kamid ah dhalinyarada Muqdisho ayaa ka caraysiiyay dowladda Federaalka oo caqabad ku ah horumarka dhalinyarada.

Lama oga sida Bankiyada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho kajira ugu hoggaansami doonaan amarkan maadaama qudhoodu ay faa'iido ku qabaan sarifka lacaga Online-ka oo dhaqaale xooggan kasoo geli jiray.

Related Items