Ciidanka Ruushka iyo kuwa Nidaamka Al Asad oo guluf dagaaleed hor leh ku qaaday Gobolka Idlib.

Tuesday December 24, 2019 - 12:51:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Ruushka iyo kuwa Nidaamka Al Asad oo guluf dagaaleed hor leh ku qaaday Gobolka Idlib.

    Tobanaan qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa nidaamka Bishaar Al-Asad ay ka geysteen waqooyiga wadanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobanaan qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa nidaamka Bishaar Al-Asad ay ka geysteen waqooyiga wadanka Suuriya.


Wararka imaanaya gobolka Idlib ayaa sheegaya in dad ka badan 23 qof ay dhinteen duqeymo arxan darra ah oo diyaaradaha cadowga ka geysteen degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolkaas.

Ragga firfircoon ee soo tabiya kacdoonka Suuriya waxay sheegeen in duqeymaha ay barbar socdaan guluf dagaaleed ay wadaan ciidamada Nidaamka Al Asad iyo kuwa Ruushka.

Ciidamada huwanta ah ayaa qarka usaaran in ay qabsadaan magaalada Istiraatiijiga ah ee Macaratu Nucmaan oo muddo ka badan 5 sanadood ku jirtay gacanta xoogaga mucaaradka ah.


Tobanaan kun oo shacab ah ayaa bilaabay in ay ubarakacaan dhanka dhanka wadanka Turkiga oo kaabiga ku haya gobolka dagaalladu ay ka socdaan ee Idlib.

Duullaankan cusub ee cadowgu ku qaaday waqooyiga Suuriya ayaa khilaafsan heshiis sanadkaan gudihiisa ay wada gaareen Ruushka iyo Turkiga oo dhigayay in Waqooyiga Suuriya uu noqdo meel dagaallada ka caaggan.

Related Items