Ciidamo katirsan AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weeraro ka dhacay Sh/Hoose.

Tuesday December 24, 2019 - 13:07:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weeraro ka dhacay Sh/Hoose.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo gaaray weeraro saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo gaaray weeraro saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose.


Weerar dhabagal ah oo loo dhiigay Maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray ayaa sababay dhimashada hal askari, ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarku uu ka dhacay wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Wanlaweyn xilli maleeshiyaadku ay kusii jeedeen garoonka Ballidoogle.

Xoogaga Al Shabaab oo weerarka qaaday ayaa askariga ay dileen ka furtay qori AK47 ah iyo booshkiisa, wararka ayaa intaas ku daraya in weerarka waxyeello xooggan lagu gaarsiiyay laba gaari oo ay wateen ciidamada Bangaraafta.


Dhinaca kale weerar xalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha macmalka degmada Baraawe ayaa sababay dhaawac soo gaaray 4 askari oo katirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee Baraawe ku sugan.


Related Items