Dowladda Kenya oo shaqada ka Cayrisay Madaxii Sirdoonka gobolka NFD Mas'uul cusubna magacaawday.

Wednesday December 25, 2019 - 15:09:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo shaqada ka Cayrisay Madaxii Sirdoonka gobolka NFD Mas'uul cusubna magacaawday.

    Xilli ammaanka gobolka NFD uu faraha kasii baxayo islamarkaana xoogaga Al Shabaab ay sare uqaadeen weerarada ay ku beegsanayaan saldhigyada ciidanka Kenya ayay xukuumadad Nairobi magacaawday mas'uul cusub oo u qaabilsanaan doono amniga deegaanna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

madaxa sirdoonka NFD
Xilli ammaanka gobolka NFD uu faraha kasii baxayo islamarkaana xoogaga Al Shabaab ay sare uqaadeen weerarada ay ku beegsanayaan saldhigyada ciidanka Kenya ayay xukuumadad Nairobi magacaawday mas'uul cusub oo u qaabilsanaan doono amniga deegaannada xuduud beenaadka ku teedsan.


Wareegto kasoo baxday xafiiska Uhuru Kenyaatta ayaa madaxa amniga dhulka NFD loogu magacaabay Nicodemus Musyoki Ndalana oo horay usoo noqday taliyaha ugu sarreeya sirdoonka Kenya.

Nicodemus Musyoki Ndalana ayaa ah dagaal ooge falal dambiyeedyo ka galay wadanka Kenya wuxuuna xiriir laleeyahay Sirdoonnada caalamiga ah sida Mossad-ka Yahuudda CIA-da Mareykanka.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in taliyaha cusub loo xil saaray sugidda ammaanka dhulka Soomaalida NFD iyo deegaannada kulaala xuduudda gobolka Lamu uu la wadaago Jubbada Hoose.


Jeneraal Max'med Biriq oo muddo sanada ah ku magacaawnaa madaxa ammaanka 'Waqooyi Bari' ayaa shaqada laga eryay kadib markii uu ku guuldaraystay ka hortagga weerarada Al Shabaab.

Bishaan gudaheeda ayay xoogaga Shabaabul Mujaahidiin weeraro askar badan iyo shaqaale Kenyaan ah lagu laayay waxay ka fuliyeen gobollada Wajeer,Gaarisa iyo Mandheera oo dhammaantood katirsan dhulka NFD ee gummeysiga Kenya kujira.


Related Items