Waxaa sii kordhaya walaaca laga muujinayo halka ay jaan iyo cirib dhigeen boqolaal dhalinyara ah oo dowladda Federaalka ay ka ciidamaysay magaalada Muqdisho kuwaas oo aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.
Sanadkan gudihiisa ayay mas'uuliyiinta ugu sarraysa DF-ka waxay Muqdisho ka fureen wax ay ugu yeereen mashruuc deeq Waxbarasho oo ardayda iskuullada sare dibadda tacliin loogu dirayo.
Mashruucaas ayaa isku bedelay Askarayn qasab ah, waalidiin badan oo wiilashooda ladhagray ayaa sheegay in ay ogaadeen in ubadkoodas si dhagar ah tababarro ciidan loogu qaaday dalka Eritrea.
Waalidiinta boqolaal dhalinyaro ah oo dowlada soomaaliya ay askar ahaan u qqadatay kuwaasi oo la la.yahay mido sedex bilood ah lana sheegay in ay u kala qaaday dalalka Qatar iyo Eritrea ayaa dalbanaya in Wiilashoodu ay Dowladu meel ku sheegto jaan iyo corib meel ay dhigeen.
Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in dhalinyaradas Dowladu tababarrysay ay labaatameeyo ka mid ah u geeriyoodeen cunto sumeysan oo ay cuneen dowladuna aysan soo wargalin waalidiinta taasi oo walaac weyn ku abuurtay waalidkood.
Bishaan gudaheeda tobaneeyo Maleeshiyaad ah ayaa isku dhiibay maamullada Islaamiga gobolka Gedo kuwaas oo ka goostay saldhig melleteri oo kuyaal degmada Baardheere, ciidamada goostay ayaa sheegay in markii hore ay dowladdu kusoo xera gelisay in ay udirayso dalka Qadar balse si lama filaan ah lagu geeyay Gedo.
Daawo Video: Arday lagu siray in Qadar loo qaadayo oo lagu Sumeeyay dalka Eritrea.
Waxaa sii kordhaya walaaca laga muujinayo halka ay jaan iyo cirib dhigeen boqolaal dhalinyara ah oo dowladda Federaalka ay ka ciidamaysay magaalada Muqdisho kuwaas oo aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.