20 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Hor Leh oo Ciidamada Al Shabaab Ay Ka Fuliyeen Gudaha Kenya.

Tuesday June 17, 2014 - 07:50:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5113
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    20 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Hor Leh oo Ciidamada Al Shabaab Ay Ka Fuliyeen Gudaha Kenya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay markale weerar khasaara badan ka fuliyay ka duleedka deegaanka MPKETONI.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay markale weerar khasaara badan ka fuliyay ka duleedka deegaanka MPKETONI.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka xarakada Al Shabaab ayaa  baahisay in howlgal hor leh oo ciidamada mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha Kenya lagu dilay ku dhawaad 20 qof oo qaar kamid ah ay yihiin askar booliska katirsan.

Sarkaal katirsan Al Shabaab oo la hadlay Idaacadda ayaa sheegay in howlgalka oo markale dhacay khasaara xooggan lagu gaarsiiyay dad ay cadaw ku sheegeen sida ciidanka Kenya ee qaabilsan ilaalinta dhulka keymaha  iyo duur joogta.


Wararku waxay intaasi ku darayaan in tuulooyin hoos yimaad MPKETONI xalay weeraradu ka dhacayeen,waa weerarkii 2-aad oo saacada gudahood ka dhaca dalka Kenya.

Weerar habeen hore dhacay oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay shabaabul Mujaahidiin waxaa ku dhintay inkabadan 50 qof.

Liibana Jeexoow


SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items