Sawir: Saraakiil Kenyaan ah oo ku dhintay Weerar Cusub oo Al Shabaab ay ka fulisay gobolka Wajeer.

Saturday December 28, 2019 - 07:22:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 9
  • 22 1
  • Share via Social Media

    Sawir: Saraakiil Kenyaan ah oo ku dhintay Weerar Cusub oo Al Shabaab ay ka fulisay gobolka Wajeer.

    Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ku qaaday ciidamada dowladda Kenya ee xoogga ku haysta dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ku qaaday ciidamada dowladda Kenya ee xoogga ku haysta dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira.


Wararka ka imaanaya gobolka Wajeer ayaa sheegaya in qarax shalay lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo katirsan Booliska uu sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay qarax ku burburisay gaari dagaal waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan askartii la socday.

Warbaahinta maxalliga Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan 2 sarkaal oo katirsan ciidamada booliska ay ku dhinteen qarax miino oo ka dhacay gobolka Wajeer gaar ahaan deegaanka Kutulo, sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay 5 askari oo boolis ah sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Kenya.



Sawirro lagasoo qaaday goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray gaariga labeegsaday oo ahaa nuuca ay ciidamada Boollisku adeegsadaan, ciidamada qaraxa lagu beegsaday ayaa ka yimid deegaanka Khorof Harar waxayna kusii jeedeen Kutulo.

Dadka Kenyaatiga ah ee xoogga lagu dajiyay gobolka NFD ayaa walaac ballaaran ka muujinaya weerarada Shabaabul Mujaahidiin ee kusii xoogyesanaya gobollada Gaarisa iyo Wajeer.

Bishaan Decembar dhulka NFD waxaa ka dhacay weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee abid ay dowladda Kenya kula kulanto dhulkaan marka laga reebo weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo boqolaal qof lagu dilay.

Related Items