Farmaajo iyo Kheyre oo lagu eedeeyay in ay damacsanyihiin Waqti kororsi.

Saturday December 28, 2019 - 06:16:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Kheyre oo lagu eedeeyay in ay damacsanyihiin Waqti kororsi.

    Siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Federaalka ayaa markale ka digay waqti kororsi ay sameeyaan Farmaajo iyo Kheyre marka uu waqtigoodu dhammaado sanad kadib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Federaalka ayaa markale ka digay waqti kororsi ay sameeyaan Farmaajo iyo Kheyre marka uu waqtigoodu dhammaado sanad kadib.


Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Garguurte oo shir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ay madaxda DF gadaal ka riixayaan oo ay ku doonayaan in baarlamaanka lamarsiiyo xeer u ogolaanaya waqti kororsi.

Dhinaca kale hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa Farmaajo ku eedeeyay in uu dib usoo cusboonaysiinayo siyaasad kaligii talisnimo oo u muuqaal eg nidaamkii Max'med Siyaad Barre.

Saciid Cabdullaahi Deni oo aad u mucaaradsan siyaasadad DF-ka ayaa ka digay in waqti kororsi ay sameeyaan Kheyre iyo Farmaajo.


"Labo aragtiyadood ayaa xoog u socota, aragtidaas mid waa tii Kacaankii u ekeyd oo Liis xiran ah Xamar ama Xudur ha joogoo hal meel ayaa lagu wada ridayaa, hal deegaan doorasho ah, aad baan beryahan u maqleynaa oo ah mida dowladda ay riixeyso, xogta sida aan ku maqlayo dadka barnaamijkaas wada waa kaadiriinta Kacaankii barakeysnaa, waxaa kaloo dowladda ay leedahay maalmahan Xisbi weyn oo weyn ayaa fureynaa, malaha Xisbigaas waxaa u qaatay waa Kii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed”ayuu yiri Saciid Deni.

Illaa iyo hadda madaxda DF-ka kama hadlin eedaymaha ay mucaaradkeedu ujeedinayaan ee ku aaddan in waqti kororsi ay sameynayaan in ay xukunka usii haystaan.

Related Items