Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Ex.Control Afgooye.

Saturday December 28, 2019 - 13:49:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 7 1
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Ex.Control Afgooye.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax dad badan ay ku dhinteen oo maanta ka dhacay isgoyska Ex.Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax dad badan ay ku dhinteen oo maanta ka dhacay isgoyska Ex.Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.


Kooxda  gurmadka degdegga ah ee Aamin Ambalaas ayaa sheegay in dhimashada ka dhalatay qaraxii maanta ay gaartay 76.

Ilaha caafimaadka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tobanaan dhaawacyo ah ladhigay isbitaallada waaweyn  kuwaas oo xaaladooda caafimaad lala tacaalayo, dadka dhaawacmay qaar badan oo kamid ah ayaa la sheegay in ay udhinteen waxyeelladii soo gaartay.

Muuqaallo lagasoo qaaday goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay burbur xooggan oo ka dhashay qaraxii aadka u xooganaa ee maanta barqadii ka dhacay isgoyska Ex.Control Afgooye.


Cumar Finish oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir oo warbaahinta lahadlay ayaa isna si kulul u cambaareeyay qaraxii dadka badan ku dhinteen ee maanta ka dhacay galbeedka Muqdisho.

Illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxan waxaa kale oo aan faah faahin dheeri ah laga heyn qaabka uu qaraxu udhacay marka lagasoo tago in saraakiisha dowladda ay sheegeen in gaari uu ku qarxay Ex.Control xilli gaadiid badan ay wadada marayeen.

Related Items