Hoggaamiyihii Maleeshiyaadka Shiicada Alfaadimiyuun oo u dhintay dhaawac kusoo gaaray Suuriya.

Sunday December 29, 2019 - 08:31:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyihii Maleeshiyaadka Shiicada Alfaadimiyuun oo u dhintay dhaawac kusoo gaaray Suuriya.

    Mid kamida dagaal oogayaashii ugu caansanaa ee gummaadka ku hayay shacabka wadanka Suuriya ayaa ku geeriyooday gudaha wadanka Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida dagaal oogayaashii ugu caansanaa ee gummaadka ku hayay shacabka wadanka Suuriya ayaa ku geeriyooday gudaha wadanka Iiraan.


Taliyihii maleeshiyaadka Shiicada Al Faadimiyuun ayaa ugeeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaal culus oo laba sano ka hor ka dhacay wadanka Suuriya, wakaaladda wararka rasmiga Iiraan ayaa xaqiijiyay geerida Jeneraal Max'med Jacfar Xuseyni oo ahaa hoggaamiyaha Gaaska Alfaadimiyuun.

Max'med Jacfar oo 35 sana jir ahaa wuxuu muddo 7 sanadood ah hoggaaminayay maleeshiyaad Shiico Calooshood ushaqeystaal ah oo ka yimid wadamada Afghanistan iyo Pakistan kuwaas oo dowladda Iiraan ay dalkeeda ku tababartay kadibna ay udirtay Suuriya si ay ugacan siiyaan ciidamada nidaamka Bishaar Al-Asad.


Gaaska Alfaadimiyuun oo la sheego in uu ka koobanyahay illaa 25,000 oo dagaalyahan ayaa gummaad fool xun ugeystay shacabka muslimiinta Shaam gaar ahaan reer Suuriya, dhinaca kale xoogaga mucaaradka ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Jarjanaaz ee gobolka Idlib.


Related Items