Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Ex.Control oo loo qaaday dalka dibaddiisa.

Sunday December 29, 2019 - 08:44:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Ex.Control oo loo qaaday dalka dibaddiisa.

    Diyaarado siday qalab caafimaad iyo dhaqaatiir ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho kuwaas oo latacaalaya qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay Ex.Control Afgooye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarado siday qalab caafimaad iyo dhaqaatiir ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Muqdisho kuwaas oo latacaalaya qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay Ex.Control Afgooye.


Wakaaladda wararka ufaafisa dowladda Turkiga ayaa sheegtay in koox dhaqaatiir ah iyo diyaarado daawo siday ay gaareen magaalada Muqdisho, qaar kamid ah dhaawacyada aadka uliita ayaa loo qaaday dalka dibadiisa.

Dhinaca kale gurmad baaxad leh ayay shacabka Muqdisho ufidyeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay, Isbitaallada ayaa lagu arkayay dad safaf dhaadheer ugu jira sidii ay dhiig ugu shubi lahaayeen dhibanayaasha.

Xasan Cali Kheyre oo ku magacaaban R/wasaaraha dowladda Farmaajo ayaa tagay Isbitaallada isagoona Cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex.Control Afgooye wuxuuna ku baaqay in lasii wado gurmadka.



Related Items