Dagaal dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka magaalada Berbera.

Sunday December 29, 2019 - 08:58:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka magaalada Berbera.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Waqooyi galbeed ee loo yaqaan 'Somaliland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Waqooyi galbeed ee loo yaqaan 'Somaliland'.


Iska hor'imaad shalay ka dhacay deegaanka Beeyo ee dhaca duleedka degmada Berbera ayaa sababay dhimashada illaa 6 qof oo dhammaantood ah dhinacyadii dagaallamay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan uu dagaal ku dhaxmaray deegaanka Beeyo, Isbitaalka degmada Berbera ayaa la geeyay dhaawacyada 10 qof oo ku waxyeeloobay dagaalkii shalay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay wali ka jiraan deegaankii lagu dagaallamay walina majiraan wax dadaallo ah oo uu sameeyay maamulka isku magacaabay 'Somaliland' oo ku aaddan dirirta udhaxaysa maleeshiyo beeleedyada.


Related Items